DF oo la wareegtay guud ahaan Gobolka Gedo iyo shaqsiyaad lagu raad joogo

astaanta soomaaliya

Maamulka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in guud ay la wareegeen ciidamadii Maamulka Jubbaland ee ku sugnaa Magaalooyinka Gobolka Gedo.

Cusmaan Nuur Xaaji Gudoomiye Ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulkii Axmed Madoobe ee Gobolka Gedo lasoo afjaray, islamarkaana lagala wareegay Ciidamadii Jubba-land ee ku sugnaa 3 magaalo oo kamid ah Gobolka sida Luuq, baladxaawo, iyo Doolow.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in qorshaha Dowladda isugu balaarinayso Gobolka Gedo uu sii socon doono, islamarkaana dhawaan lasoo gaba-gabeyn doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Axmed Madoobe uu dhibaatooyin kawada Gobolka, islamarkaana uu ka dambeeyay dilal iyo afduubto loo geystay dad shacab ah.

Dhanka kale Gudoomiye Ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Gedo ayaa sheegay in lagu raad joogo shaqsiyaad ka tirsan Jubbaland oo baxsad ah, islamarkaana Maxakmadd lasoo taagi doono kuwa la hayo iyo kuwa lasoo qaban doono.

Ku dhowaad 200 oo Askari oo ka tirsanaa ciidamada Darwaaiishta Jubbaland ayaa isu dhiibay shalay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Saraakiisha Ciiidamadda Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, ayaa sheegay in ciidamadda ay lasoo xiriireen, islamarkaana ay ku amreen in ay tagaan degmada Luuq, halkaasna lagu soo dhaweeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here