DF oo laba shuruudood ku xirtay dibad-baxa mucaaradka

astaanta soomaaliya

Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dibad-baxa mucaaradka ee la qorsheynayo inuu Sabtida ka dhaco magaalada Muqidisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxa lagu heshiiyey uu dhacayo, balse lagu xiray labo shuruud oo kala ah in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan af-xirka, si looga hortago faafista cudurka faafa ee Coronavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey.

“Dibadbaxa lasoo codsaday oo ah kii laga heshiiyay xaley…labo shurudood oo kaliya ah ayaa ku xiran oo qabanqaabiyeyaashii dibadbaxu ay horey u sheegeen labadaa qodob inay diyaar u yihiin waa marka koowaad ee in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan afsaar labadaa shurudood ayaa muhiim ah, labadaa shurudood marka la fuliya dibadbaxa Sabtida waa la ogolaaday,” ayuu yiri wasiir Cismaan Abuukar Duube.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo awaamiirta dowladda ee lagu xakameynayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here