DF oo loogu baaqay inay maxkamadeyso siyaasiyiin Soomaali ah oo taageersan Kenya

somalia kenya flag

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qaba in dowladda Kenya oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso dacwad dhanka badda ah ay gacansiin ka heleyso siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta lagu eedeynayo gacan siinta Kenya ayaa la sheegay inay ku kala nool yihiin dalka iyo dibadiisa, kuwaas oo la tilmaamay inay Kenya ka gacan siinayaan damaceeda ah in meel ka baxsan maxkamadda cadaaladda Aduunka ee ICJ lagu xaliyo kiiska badda.

Maxamed Jaamac oo mar wasiiru dowle kasoo noqday wasaaradda dekadaha iyo gadiidka badda Soomaaliya, sido kalena soo noqday xildhibaan ka tirsanaa barlamaanka Soomaaliya ayaa siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah dad horey xilal uga doo qabtay dalka ku eedeeyay in damaca Kenya ee badda ay gadaal ka riixayaan.

Maxamed Jaamac ayaa madaxda dowladda federaalka u soo jeediyay inay maxkamad la tiigsato siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku lugta leh arrinta kiiska badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo isku deyaya, sida uu sheegay, inay u hiiliyaan Kenya.

“Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay marka hore kasoo jeesato difaaca badda, kadibna ay baacsato kuwa daba dhilifka u ah Kenya, waxaan u sheegayaa in hebel hebel la dhihi karo ninkii maalin kaliya u hiiliyay Kenya ama maamul goboleed ha joogo ama mucaarad ha ahaadee,” ayuu yiri siyaasi Maxamed Jaamac oo la hadlay Idaacadda Simba ee Muqdisho.

Balankii ay u qabatay Maxkamadda Caddaaladda Aduunku in ay ku dhegaysato garnaqsiga ugu dambeeya ee ay Kenya iyo Soomaaliya ka dhiibanayaan dacwadda dhextaal ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal ayaa ahaa bishan foodda inagu soo haysa ee Juun.

Hase ahaateen sida ay muujinayaan dukumentiyo la helay oo labada dal u direen maxkamada, waxa soo if baxaya in ay Kenya dalbanayso in dacwadda dib loo dhigo muddo aan cayinayn sababo dhaqaale oo jira iyo culayska fayraska Corona awgood.

Soomaaliya ayaa dhankeeda doonaysa in dhegaysiga garnaqsigu xiligii loo cayimay qabsoomo, waxayna sida ku cad qoraallada ay maxkamadda u gudbisay ka cabaynaysaa cadaadis ay Kenya ku hayso oo arinta badda iyo dacwada la xiriira.

Kenya waxay ku andacooneysaa in fayraska Corona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen oo dhowr wadan ay ku kala suganyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here