DF oo macno dari ku sheegtay heshiiskii Nairobi ee Axmed Madoobe iyo xubnihii Isbedel doonka Jubbaland

A Madoobe Seeraar Xidig Sheekh Daahir

Dowladda Federaalka ayaa wax aan macno ku fadhin ku tilmaantay heshiiskii ay maanta magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnihii Isbedel doonka Jubbaland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal oo deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland, gaar ahaan Gedo, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Axmed Madoobe uusan heysan sharciyad madaxweyne, isla markaana uusan wax macne ah soo kordhineyn heshiis ay kala saxiixdeen dhowr siyaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Xiligan la joogo Axmed Islaam ma haysto sharciyad uu ku yahay Madaxwaynaha Jubaland, kuna maamulo degaanadaas, askabadaa heshiis ay dhawr siyaasi ay kala saxiixdeen oo aan wax macna ah ku soo kor dhinayn helida Jubaland lagu midaysan yahay, taas oo u baahan in si mug weyn looga wada shaqeeyo. Xalka iyo horumarka Jubaland waxuu ku jiraa gacmaha shacabka reer Jubaland,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Hilaal.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa Caasimada Online u sheegay in marka uu sidaaas leeyahay uu ku hadlayo afka dowladda federaalka, maadaama uu yahay xubin ka tirsan golaha fulinta, kana soo jeeda Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubnaha is-beddel doonka Jubaland, ee qaarkood sheeganayey madaxweynaha Jubaland, ayaa maanta heshiis ramsi ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi.

Xubnaha Axmed Madoobe ay heshiiska saxiixdeen ayaa kala ah; xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdnaasir Seeraar Maax iyo Daahir Sheekh Axmed Cabdullaahi.

Sida ku cad heshiiska, Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ogolaaday inuu soo dhiso xukuumad wadaag ah oo tayo leh oo ay qayb ka yihiin Golaha lsbadal-doonka Jubbaland, iyadoo la ilaalinayo habka awood qeybsiga beelaha Jubbaland.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in la qabto kulamo iyo shir dib u heshiisiineed oo la isugu keenayo waxgaradka iyo qaybah kala duwan ee bulshada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here