DF oo qaadeysa tallaabooyin adag oo looga jawaabayo dhibaatadii ka dhacdey Wanlaweyn

xasan cali nuur shuute

Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa maanta Barqadii gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute  oo ay qeyb ka yihiin Garsoorayaal.

Gudoomiyaha iyo saraakiisha ku wehlinaysay socdaalka ayaa waxaa degmada Wanlaweyn ku soo dhaweeyay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo dhawaan halkaasi u tagay in ay kala dhexgalaan maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanadaasi.

Waxaa Degmada Wanlaweyn ka socdo kulamo gaar gaar ah la leeyihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Wanlaweyn, iyaga oo kala hadlaya dilalkii ka dhacay Magaalada.

Xubnaha Wafdiga uu horkacayo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa ay degmada Wanlaweyn u tageen sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen dilalkii arxan darrada ahaa ee dhawaan ka dhacey, iyaga oo bilaabi doona baaritaanada dad lala xiriirinayo dhacdooyinka.

Dagaalkii labada maleeshiyo beeleed ku dhexmarey degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu sababey in Gudaha degmada dad la dilo, kadibna meydkooda la gubo taas oo keentay in dowladda ay Ciidamo u dirto.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Xildhibaanada labada gole ee Dowladda iyo siyaasiyiin ayaa ku baaqay in dagaalkaasi sida uga dhaqsiyaha badan loo joojiyo xiisada u dhaxaysa beelaha lagu dhameeyo wada hadal iyo isqancin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here