DF oo shaacisay go’aan la xiriira salaadaha cishaha iyo taraawiixda ee masaajidada

masjid isbahaysiga islaamka1

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in la mamnuucay in salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda lagu tukado masaajidada magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Culumada Soomaaliyeed ayaa lagu amray in salaadaha Taraawiixda iyo Cishaha guryaha lagu oogo, loona hoggaansamo amarka dowladda ee bandowga habeenkii, si looga hor tago faafidda safmarka COVID-19.

Bandowga ayaa markii hore billaabin jiray 8-da habeennimo, hase yeeshee waxaa lagu sameeyey is-beddel, waxa uuna laga billaabo habeenka koowaad Ramadan billaabanaya 7-da habeennimo, oo ah xilli aan weli la gaarin salaadda Cishe.

Go’aankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dowladda Soomaaliya ay Masaajiddada uga mamnuucdo qaar ka mid ah salaadaha, ayada oo maalmo ka hor ay ka laabatay go’aan la qorsheeyey oo la doonayey in lagu xiro masaajidada gebi ahaanba.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa maalmo ka hor amartay in la xiro goobaha weysaqaadka iyo musqulaha ama suuliyada ee masaajidada.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u soo saartay go’aano adag oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Coronavirus, iyadoo mamnuucay isu imaatinada dadka, soona rogtay Bandow xilli habeenkii ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here