DF oo shaacisay in is-bedel lagu sameeyey bandowga saaran magaalada Muqdisho

xijaar taliyaha booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in dib loo beddelay saacadda uu billaabanayo bandowga Muqdisho, oo laga dhigay 8-da habeennimo.

Bandowga oo markii horeba ahaa 8-da habeenimo ayaa laga dhigay 7-da kadib bilowga bisha Ramadan, taasi oo horseeday in shacab badan ay ka dhiidhiyaan, ayada oo maanta Muqdisho ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshado wata.

Xijaar ayaa dhanka kale ku celiyey “in aan la qaban karin dadka hal halka iyo labo labadda ugu lugeynayo gudaha magaalada, inta lagu guda jiro waqtiga Bandowga.”

Taliye Xijaar ayaa sheegay in amarka lagu beddelay saacadaha bandowga uu ka yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta sawiradiisa lagu gubay Muqdisho, kadib carro ka dhalatay laba qof oo shacab ah oo askari uu xalay ku dilay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay dibad-baxyo rabshado wata, ayada oo carrada shacabka ay u muuqatayinay ku wajahan tahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo sawiradiisa lagu gubay magaalada.

Dadkaan careysan ayaa sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen “Farmaajo ha dhaco, guba Farmaajo” iyo kuwa kale.

Allaha u naxariistee labada marxuum ee la dilay, ee dhaliyey kacdoonka shacabka Muqdisho, ee maanta ayaa kala ahaa. 1- Marxuumad Madiino Cabdullaahi iyo Xasan Cali Cadaawe oo labaduba deganaa degmada Boondheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here