DF oo shaacisay in kiisaska COVID-19 ee ay dhaafeen 700, dhimashaduna korortay

Coronavirus

 Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo ah cudurka COVID-19.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in hal qof uu cudurka u geeriyooday, halka 10 qof oo ka mid ahaa dadkii uu ku dhacay ay kasoo bogsadeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la diiwaan-geliyey ay yihiin rag, ahlka 19-ka kalena ay yihiin haween.

37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, oo ah gobolka kiisaska ugu badan ee Soomaaliya laga helayo, halka laba qof laga helay deegaanada Galmudug, ayada 12 kiis-na laga diiwaan geliyey Puntiland.

12-ka kiis ee Puntland ayaa ah tiradii ugu badenyd ee 24 saac gudahood laga diiwaan-geliyo meel ka baxsan Muqdisho.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 qof, halka 32 qof ay cudurka u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here