DF oo shaacisay qorshe laga lahaa weerarkii shalay lagu qaaday xerada XALANE

astaanta soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay ujeedka laga lahaa weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada Xalane ee ay degan yihiin hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha.

“Weerarkan fuleynimada ah waa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Weerarkan hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kadib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.”

Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaas aanu ka weecin doonin qorsheyaasha mideysan ee lagu wajahayo argagixisada, sida lagu yiri qoraalka.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay sare u qaadday feejignaanta amni, islamarkaana ay baaritaan dhammeystiran ku sameyn doonto weerarkan hoobiyayaasha ah.

Weerarka ayaa yimid ayada oo la filayo in dhowaan xerada Xalane ay marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa shalay magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ka mid ah madaxda kulankaas ka qeyb galeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here