DF oo shaacisay sababta looga jartay dhaqaalihii dalalka beesha caalamka

wasiirka maaliyadd somalia bayle

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaalaha dalka, maadaama lagu jiro, xilli kala guur ah iyo marxalad doorasho.

Bayle ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay jaratay dhammaan lacagihii lagu kabi jiray miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa arrintan u sababeeyey, xilliga kala guurka ah ee haatan lagu jiro, wuxuuna tilmaamay in mar-walbo oo ay lix bilood ka harsan tahay doorashada la gooyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in wax iska caadi ah ay tahay arrintani, isla-markaana dhaqaalaha beesha caalamka, dib loo soo fasaxo markii la doorto dowlad cusub.

“Lix bil kahor doorashooyinka ayey jaraan kaalmada, waxaa lasoo celiyaa marka la doorto madaxweynaha waxa ay ku qiimeeyaan isbadalkiisa iyo sida uu howsha u wado marka ay taa ka qancaan ayey dib usoo celinayaan,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in socdaan mashaariicda kala duwan ee ay beesha caalamka ka wado gudaha Soomaaloay, isla-markaana aysan saameyn dhaqaalaha la jaray ee lasiin jiray dowladda federaalka ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan loo diyaar garoobayo doorashooyinka Soomaaliya oo shalay lasoo saaray jadwalka lagu wajahayo qabsoomideeda.

Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka hesha taageero maaliyadeed oo xoog-leh, taas oo lagu kabo miisaaniyad dowladda, isla-markaana wax ka tarta dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here