DF oo shaacisay tirada Dalalka ay ku casuuntay shirka berri ee Muqdisho

astaanta soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay shir heer caalami ah oo maanta oo Talaado ah ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho markii ugu horeysay ka furmaya 1-da bisha nasoo aadan ee October, waxuuna socon doonaa ilaa 2-da October oo ku beegan maalinta Arbacada.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ay soo dhawaynayso shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya, oo horay loogu qaban jiray qaar ka mid ah dalalka reer Yurub, waxaana lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda in ay ka qeyb galayaan wakiillo ka socda in ka badan 50 dowladood.

“Shirkaan, oo soconaya muddada labada maalmood ah, waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda, ku qabashada shirka ee magaalada Muqdisho, wuxuu tusaale cad u yahay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulaha wax ku oolka ah uga soo hoysay siyaasadda arrimaha dibadda iyo horumarada kala duwan ee ay ku tallaabsatay” ayaa lagu yiri.

Warka caawa kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay sii laba jibaarto dadaalada lagu hormarinayo dadka iyo dalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed in ay qayb libaax ka qaataan xasilinta iyo dib u dhiska dalkooda hooyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here