DF oo shaacisey in aysan ogolaan doonin in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho

Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, isagoo shaaciyey in aysan ogolaan doonin in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dowladdu go’aamisay in gabi ahaanba la joojiyo isu soo baxyada iyo kulamada laga maarmi karo, go’aankuna uu sidaas ahaan doono.

“Sida aad ka war-qabtaan banaanbax waa la joojiyey ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama ha noqdo mid looga soo hor jeedo, labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka waxay xaq u leeyihiin inay banaanbax soo abaabulaan, laakiin hadda kuligood waa sharci darro, cidii sameysana iyada unbaa is xilqaantay,” ayuu yuri wasiir Xundubey.

Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana aysan ogolaan doonin inuu ka dhaco banaanbax ay dhigayaan dad hubeysan.

“Hadii ay dhaceyso in la ogolaado banaanbax waa inay soo baxdaa qiimeyn kale, cudurka oo naga yaraada iyo amniga oo ay wax iska bedelaan, waxaa jira dad is xil-qaamay oo isku dayey inay xaliyaan arrintaas, waxaana hadda socda wadahadal, sidii uu horay u sheegay ra’iisul wasaaruhu weli waxaa furan albaabka wadahadalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Xasan Xundubey.

Waxa uu sheegay in la joogo xilli wax kasta la isku gaarsiin karo warbaahinta, isla markaana aan loo baahneyn banaanbax, “Waxaan ugu baaqeynaa dadka banaanbaxa abaabulaya inay adeegsadaan 40-kaan kaamiro ee hadda i hor taagan, meel kasta ayaa la iga daawanayaa,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Isku soo bax lama ogolaan doono qof walba wixii uu qabo warbaahinta hanoo soo mariyo caburin ma jirto, wasaaradda amniga oo aan masuul ka ahay ha u soo sheegto hadii ay jirto qof la caburiyey.”

Hoos ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here