DF oo shaqada ka joojisay Media Ink iyo Perspective Media

astaanta soomaaliya

Wasiirka warfaafainta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hakiyey shaqooyinkii ay dalka ka hayeen laba hay’adood oo kala ah Media Ink iyo Perspective Media, kuwaas oo ka mid ah hay’adaha ka howlgalla Soomaaliya.

Wareegto uu ku saxiixan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey shaqooyinkii ay dalka ka hayeen labadaasi hay’adood

Sababaha shaqada looga hakiyey labada hay’adood ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay inay raaci waayeen nidaamka ay wasaaraddu u dejisay hay’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee ku sugan gudaha dalka.

Labada warqadood ee lagu kala ceyriyey labada hay’adood si faah-faahsan looguma sheegin qaladaadka ay sameeyeen ee horseeday inay jebiyaan xeerkii wasaaradda.

Hay’adaha Media Ink iyo Perspective Media ayaa waxaa ay ka shaqeeyaan arrimo la xiriira dhinaca warbaahinta, iyaga oo xarumo waaweyn ku leh magaalooyinka Nairobi ee dalka Kenya iyo magaalada Hargeysa ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here