DF oo sheegtay in dalka uu ka badbaaday afgambi

wasiir Cismaan Dubbe

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Jimcahii lasoo dhaafay la isku dayay in dalka Afgambi lagu qabsado.

“19-kii bishaan waxaa Muqdisho ka dhacay isku day Afgambi, ciidamo hubeysan ayaa yimid meel u dhaw Villa Somalia waxeyna dhaheen dalka dowlad kama jirto, madaxweyne ma jiro, waxaase Alle mahadiis ah in laga hortagay isku daygaas,” ayuu yiri Dubbe.

Hadalka wasiirka wuxuu kusoo aadayaa xilli midowga musharaxiinta ay mar kale ku baaqeen in 26-ka February oo ku aadan jimcaha ay qaban qabaabinayaan banaabax maadaama midkii hore ay dowladda hor istaagtay.

Sidoo kale Dubbe wuxuu sheegay in marnaba dowladda aysan ogolaan doonin in la isku yimaado, fursadda kaliya oo ay qof walba heysatana ay tahay iney TV-yada kasoo muuqdaan, taasoo muujineysa in mar kale dowladda ay diidi doonto banaanbax ka dhaca Muqdisho.

17-kii bishaan ayey dowladda shir jaraa’id ku sheegtay inaan la isku imaan karin, maadaama uu si weyn u faafay xanuunka Covid19, sidaas darteed wali go’aankeeda ayey ku taagan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here