DF oo sheegtay in qaraxii G Banaadir dad loo xiray, kuwo kalena lagu raad joogo

was Maxamed Abuukar Islow

Wasiirka Amniga Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo shalay hortegay xildhibaanada Golaha Shacabaka, ayaa ka Jawaabay su’aallo dhowr ah oo la xiriiray arrimo kala duwan oo ku aadan dhanka amniga dalka.

Xildhibaan Aamina oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa Wasiirka Amniga weydiisay halka uu ku dambeeyo Baaritaanka Weerarkii musiibada ahaa ee ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu dilay duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow.

Wasiir Ducaale oo ka Jawaabay Su’aashaas ayaa waxaa uu sheegay in baaritaankii ku socday qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka C/raxmaan Cumar Cismaam Eng Yariisow haatan uu marayo heer gaba-gabo ah, ayna dhowaan shaacin doonaan natiijada.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in la xiray dad badan oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxaas, kuwaas oo su’aalo weydiin ay ku socoto.

Qaraxa ayaa waxaa fulisay gabar aragga la’eed oo loo yaqiin Basiira Cabdi Maxamed, balse magaceeda runta uu ahaa Maryan Cabdi Maxamed, waxaana qaraxa ka caawiyey gabar caawiye u ahayd oo baxsatay.

Ducaale ayaa sheegay in sidoo kale lagu raad joogo shaqsiyaad kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka, ayna soo Bandhigi doonaan markii uu soo dhammaado baaritaanka, hayeeshee ay weli socdaan baaritaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here