DF oo sheegtay inay dileen 30 Shabaab ah oo diyaarinayey qaraxyo laba gaari oo xamuul ah

ciidamada somalia

 Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerar qorsheysan oo la fuliyey lagu dilay 30 ka mid ah dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka, oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan guutada kumaandooska Xoogga dalka ee Danab, gaar ahaan Guutada 16-aad, ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Baloow Eylo ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha guudata 16-aad, ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta ciidamadda qalabka sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheeysan, islamarkaana xubnaha Shabaabka ah ee lala beegsaday ay diyaarinayaan gaadiid qaraxyo ah oo ay doonayeen inay kusoo weeraraan Muqdisho.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in gaadiidka qaraxyada lagu diyaarinayey ay ahaayeen nooca xamuulka, islamarkaana ay dhinaca cirka ka duqeeyeen taasi oo, sida uu sheegay, sahashay iyadoo cidna uu khasaare kasoo gaarin in la burburiyo.

“Waxaa howlgalka lagu dilay ugu yaraan 30 maleeshiyo oo Shabaab ah oo ay ku jriaan saraakiil sare.” Ayuu yiri Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin .

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howlgallo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Maalmo ka hor ayaa guudata 16-aad waxa ay Al-Shabaab kala wareegtay todoba tuulo oo ka tirsan Shabeellada Hoose, iyada oo Taliye Ismaaciil uu ballan qaaday inay sii wadayaan howlgallada inta laga soo afjarayo jiritaanka Kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here