DF oo si rasmi uga jawaabtay rabitaanka Kenya ee dib u dhigista dacwada badda

somalia kenya flag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dalabka Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kiiska badda ee horyaalla Maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ.

danjira Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siciid Fiqi oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay inay Soomaaliya aad uga xuntay isla markaana ay tahay wax aan cudur-daar loo heli karin codsiga ka yimid Kenya ee ah in dib loo dhigo dhagaysiga dacwadda muranka badda oo lagu wado inuu bilowdo maalinta Insiinta ah ee 9-ka bisha Sebtemebr, kaas oo socdan doona ilaa 13-ka bisha oo ku began maalinta Jimcaha.

Tallaabada Kenya ay qaadday ayuu sheegay inay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraad ee badda Soomaliya ee Kenya ay muranka galisay.

Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya ay ilaa maalinta Jimcaha kawar sugeyso Maxkamadda, isagoo sheegay in Soomaaliya qareenadeeda ay ku war galisay inaan la aqbali karin in dib loo dhigo kiiskaan oo ICJ horyaaley Shan sano.

Ummadda Soomaaliyeed ayuu ka dabaday inay ku kalsoonaadaan looyaradooda oo uu sheegay inay dadaalayaan dowalduna aysan yeeli doonin in kiiskaas lagu xaliyo meel Maxkamadda ka baxsan.

Kenya ayaa shalay ka codsatay maxkamadda ICJ in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo dhagaysiga kiiska badda, si ay u qabsato qareenno cusub oo difaaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here