DF oo si taxadar leh uga jawaabtay eedeyn kulul oo uu u soo jeediyey Sheekh Shariif

wasiir maareeye

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa si taxadar leh ugaga jawaabtay eedeyn kulul uu maanta u soo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku tilmaamay hadalada kulul ee ka soo baxay maanta Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuwo la yaab iyo lama filaan ku noqday.

“Warka ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday.” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta oo war kooban oo taleefishinka dowlada laga baahiyay ku sheegay in dowladu ugu yeereyso Sheekh Shariif inuu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa kana taxadaro waxkasta oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay Madaxweyne hore.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay madaxdii hore ee dalka in uu waajib ka saaran yahay midnimada iyo bedqabka dalka.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii uu maanta ka soo laabtay booqasho ay ku tageen isaga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madasha xisbiyada waxa uu eedeyn kulul u soo jeediyay dowlada federalka isagoo dhaar ku maray in haddii aysan dowladu isbedelin la eryi doono.

Waxa uu Shariifka sheegay in dowladda haatan talada dalka heysa aysan waxba uga duwaneyn kuwii lala dagaalay hadii ay sii wado dulmiga iyo xadgudubka ay wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here