DF oo si weyn uga hortimid qorshaha Midowga Afrika

Wads Maxamed Cr Maxamuud

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hortimid qorshaha uu Ururka Midowga Afrika ku dhimmayo ciidanka AMISOM ee ka how-gala dalka, xilli uu weli socda dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka hadlayey warbixintii Midowga Afrika ayaa tilmaamay inay tahay mid xaqiiqda ka fog, isla-markaana khuburada sameeyey aysan wax wada-tashi ah kala sameyn dowladda federaalka ah.

“Warbixinta iyo xulashooyinka ma aha ikhtiyaarro wanaagsan xilligan. Khubarada sameeyay qiimeynta si ku filan uma la tashan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,”ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dowladda Soomaaliya ay todobaadkii hore la wadaagtay mowqifkeeda Midowga Afrika, iyada oo laga fakirayo mas’uuliyada amniga.

Maxamed Cabdirisaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay doonayaan in ciidamada AMISOM ay qaataan doorkooda, iyaga oo taageeraya kuwa Xoogga dalka, isla-markaana looga baahan-yahay inay ka qeyb-qaataan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, isla-markaana dowladda ay u diyaar garoobeyso doorashada Soomaaliya oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here