DF oo soo dhoweysay kaalinta Somalia ay ka gashay qiimaha internet-ka dunida

astaanta soomaaliya

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay kaalinta Soomaaliya ay ka gashay isbrabardhigga lagu sameeyay qiimaha internetka taleefoonka gacanta (Mobile Data).

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 10-ka dal ee ugu qiima jaban adduunka oo dhan iyo dalka 1-aad ee qaaradda Afrika.

Warbixin uu soo saartay Cable.co.uk – oo ah bar internet oo isbrabardhig ku sameysa qiimayaasha shirkadaha isgaarsiinta dalalka caalamka – ayaa muujineysa in Soomaaliya ay kaalinta 7-aad kaga jirto adduunka, qaaradda Afrikana kaalinta 1-aad dhinaca qiimaha 1GB ee internet-ka taleefoonka gacanta, kadib markii qiimeyn lagu sameeyay shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka adduunka.

Warbixintu waxay muujineysaa in qiimaha mobile internet ee Soomaaliya uu aad hoos ugu dhacay 12-kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo sanad ka hor ay Soomaaliya ku jirtay kaalinta 134-aad ee adduunka ama kaalinta 37-aad ee Qaaradda Afrika.

Isbeddelkan ayaa ah mid xawli ah marka loo eego dalalka kale ee qiimeynta kula jira oo qaarkood aan wax isbeddel ah sameynin sanadkii la soo dhaafay.

Wasiir Cashuur, oo soo dhoweynayay natiijadan, ayaa sheegay in arrintani ay muujineyso in suuqa isgaarsiinta Soomaaliya uu horumar sameynayo, taasina ay gacan weyn ka geysan doonto sidii uu dalkeena uga hana-qaadi lahaa dhaqaalaha ku dhisan teknolojiyada (digital economy) oo ah halka adduunka maanta ku kala horumaray, waayo internetka jaban wuxuu dhiirrigeliyaa in adeegyo kala duwan bulshada loo marsiiyo dhinaca teknolojiyada.

“Natiijada sanadkan waxay marqaati u tahay dadaalka iyo hal-abuurka shirkadaheena isgaarsiinta iyo shaqaalaha ka hawl-gala. Sidoo kale waa arrin muujineysa in dadaalkooda iyo naf-huristooda ay miro-dhal noqonayaan, oo ay u tartami karaan heer caalami,” ayuu yiri wasiirku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here