DF oo soo saartay amarro culus oo la xiriira COVID-19, joojisayna waxyaabo badan

wasiir Cismaan Dubbe

Xukuumadda ayaa soo saartay amarro la xariira cudurka Coronavirus, waxaana hakad la geliyey mudo laba todobaad ah goobaha waxbarashada dalka, sida jaamacadaha iyo iskuullada.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in wixii Arbacada berri ka dambeeya la dhimi doono isu socodka caasimadda iyo gobollada dalka.

Sidoo kale waxaa ku jira go’aanadaan cusub in la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda, kuwaas oo wasiirku sheegay in xaafadahooda ay ka soo shaqeyn doonaan.

Sidoo kale wasiir Dubbe waxa uu sheegay in mudo 30-cisho ah la mamnuucay xafladaha, aroosyada iyo goobaha caweyska ee dadka badan ay isugu yimaadaan.

Gaadiidleyda ayaa lagula dardaarmay inay shaqeystaan, laakiin aad u feejignaadaan, isla markaana dhowraan nadaafadda, sidoo kale guud ahaan dadka waxaa waajib looga dhigay inay xirtaan afka oo faraxalka joogteeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here