DF oo soo saartay habraaca soo xulista xildhibaanada iyo doorashada madaxweynaha Jubaland

astaanta soomaaliya

Wasaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa war-saxaafadeed dheer ka soo saartay qorsheheeda ku aadan maamulka Jubbaland.

Qoraalka wasaaraddda oo aad u dheeraa  waxaa lagu soo saaray habraac doorasho iyo guddi farsamo oo dajin doona qorshaha lagu soo dhisayo xubnaha baarlamaanka 2-aad iyo doorashada Madaxweynaha  ee maamulka Jubbaland 2019.

Habraaca doorashada ay wasaaraddu doonayso in laga qabto Jubbaland oo lagu soo koobay 26 qodob ayaa waxaa qodobadaas ugu muhiimsan, in wadaaradda arrimaha gudaha ay ku dhawaaqdo natiijada rasmiga ah ee doorashada maamulka munaasabada looga dhawaaqayana ay ku sugnaadaan  goobjoogayaal caalami ah.

In xubnaha xildhibaanada baarlamaanka labaad ee maamulka Jubbaland loo madax banaynayo soo xulidooda odayaasha dhaqanka beelaha ay matalayaan.

Sidoo kale habraaca dib u heshiisiinta ayaa waxay qoraalkeeda ku sheegtay wasaaraddu in ay guddi u xil saartay wargelinta iyo xiriirka beelaha, soo uruurinta iyo isku keenidda ergooyinka ka qeyb galaya shirweynaha dib u heshiisiinta Jubbaland iyadoo loo daadihin doono shirkaas qaabka ugu haboon ee xal looga gaari karo khilaafka bulsho iyo kan siyaasadeed ee ka dhex jira beelaha.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo aad u dheer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here