DF oo war kasoo saartay shirka wadatashiga doorashada ee Afisyoone

astaanta soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta kula hadlay xerada Afisyoone oo lagu ballansanaa inuu maanta shir uga furmo madaxda Faderaalka iyo maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxa ka qeyb-galay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirkii uu maanta furay madaxweyne Farmaajo uu soo idlaaday wajigiisi koowaad goordhoweyd, kaasi oo ahaa furitaanka Shirka oo ka qabsoomtay hoolka Afisyoone saaka subaxdii, ayada oo ay ka maqan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu sii socon doono, si dalka uu u aado doorasho, isagoona ugu baaqay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xaadiraan shirarka dambe ee madaxdu iskugu imaaneyso.

“Waxay ujeedadiisu aheyd sii ambo-qaadista sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii 17-kii September ee Muqdisho iyo 16-Kii Fabraayo ee Baydhabo ee ay soo diyaariyeen guddigii Farsamo. Waxaa dhamaan kasoo qeyb-galay qeybihii la casuumay ee madaxweynaha, marka laga reebo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland madaxdooda,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey “Shirka wuu sii socon doonaa ilaa berito, waxaana rajeyneynaa in madaxda maqan ay berito kusoo biiraan shirka hadii alle raali ka noqdo.”

Dubbe ayaa carabka ku adkeeyay in Farmaajo uu diyaar u yahay wada-hadal, islamarkaana uu maanta dhan xaadir ka ahaa goobta shirka, kaasi oo ay ka maqnaayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorasho ee dowladda waqtigeedu dhamaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here