DF oo war rasmi ah kasoo saartay askarta la sheegay in lagu laayey dagaalkii Tigray

wasiir Cismaan Dubbe

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo tababar loo geeyey dalka Eritrea, lagu dilay dagaalka gobolka Tigray.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inaysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga dalka Ethiopia.

“Ma jirto ciidan Soomaaliyeed oo dowladda Itoobiya codsaday inay u dagaalamaan oo ay ka dagaalamaan Tigray, Wararka been abuurka ee ku tira ku teenka ee mala awaalka ee ah in Ciidan Soomaaliyeed inay ka dagaalameen Waqooyiga Itoobiay ee Tigray waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri.

Wasiir Dubbe, oo u muuqday inuu qirayo inay ciidan joogaan Eritrea, taasi oo qudheeda dowladda ay beenin jirtay, ayaa sheegay in dadka wararka noocaas oo kale ah faafinaya ay ka so horjeedaan oo ay diidan yihiin in Soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato.

Hoos ka daawo wasiirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here