DF oo warbixin ka soo saartay xaaladda dhaawacyadii loo qaaday Qatar

qatar gurmad excontrol1

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano ayaa sheegay in dhaawacyada la geeyay dalka Qatar ay xaaladooda caafimaad soo hagaageyso, ayna heleen daryeel caafimaad oo dhameystiran.

Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in dhaawacyada oo ahaa 23 qof la geeyay isbitaalka dhexe ee dalka Qatar, isagoo intaa ku daray in saddex ka mid ah laga soo saaray isbitaalka, kuwaasi oo lagu baxnaaninayo goobo kale.

“Sida aad la socoto waxaa Doxa la keenay 23 dhaawac ah iyo 23 qof oo caawineysa, 23-ka qof ee caawineysa waxaan dejinay Hotel, dhaawacyada 23-ka ah isbitaal dhexe ayaa la wada dhigay, 3 qof ayaa isbitaalka laga soo saaray, mid ka mid ah qaliin ayuu sugayaa oo hadda daawooyin ayaa u socoto, haatan waxaa isbitaalka ku jirta 20 qof oo 7 ka mid ah ay ku jiraan qeybta gargaarka deg dega ah oo aan rajeynayo inay soo bogson doonaan maalmaha soo socda Insha Allah”.ayuu yiri Danjire Cabdirisaaq.

Safiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhaawacyada la geeyay isbitaalka ugu weyn uguna caansan Hamad Hospital ee ku yaala magaalada Doxa ee caasimadda Dalka Qatar, isla markaana 48 saac ee soo socda ay si rasmi ah u shaacin doonaan guud ahaan xaaladda dhaawacyada la geeyay dalka Qatar.

Danjire Cabdirisaaq Faarax Taano ayaa xusay inay ka go’antahay garab istaagga dhaawacyada lagu dabiibayo dalka Qatar, isagoo intaa ku daray in Jaaliyadda ay dhankooda gacan ka geysan doonaan ka warqabka walaalahood lagu baxnaaninayo magaalada Doxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here