DF oo wax ka beddeshay saacadaha bandowga Muqdisho soona rogtay amarro cusub

xijaar taliyaha booliiska

Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku dhowaaqday in waxa laga beddelay saacadaha bandowga saaran magaalada Muqdisho, laga billaabo maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, oo loo badinayo inay noqoto Jimcaha.

Taliyaha ciidamada booliska Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in laga billaabo maalinka koowaad ee Ramadan uu bandowga billaaban doono 7-da habeennimo halka markii hore uu ka ahaa 8-da habeennimo.

Bandowga ayaa weli ku ekaan doono 5-ta subaxnimo oo taasi waxba iskama beddelin, sida uu sheegay taliyaha.

Dowladda ayaa horey u sheegtay in bandowga wax laga beddeli doono bisha Ramadan, hase yeeshee lama fileyn in saacadaha lasii adkeyn doono, oo waxay dadku ku rajo weynaayeen in laga qafiifin doono.

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in maqaayadaha aan la ogoleyn inay furnaadaan maalinta bisha Ramadan, balse waxa uu sheegay in la furi karo laga billaabo 5-ta galabnimo, ayna qasab tahay in la xiro 7-da habeennimo.

Taliye Xijaar ayaa sidoo kale soo rogay amar ah in gudaha maqaayadaha aan wax lagu cunin karin, balse la ogol yahay oo kaliya dalabka safaariga ee ah in cunada laga qaato maqaayadda oo guryaha lagu cuno.

Wuxuu sidoo kale soo rogay amar ah in baabuurta rakaabka laga doonayo inay qaadaan bar ka mid ah intii ay qaadi jireen markii hore, taasi oo macnaheedu yahay in gaarigii qaadi jiray 20 qof, uusan hadda qaadin karin wax ka badan 10, halkii marba.

Taliyaha ayaa sheegay in cid kasta oo u hoggaansami weyda amarradan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here