DF oo weriye Abuuja ku eedeysay inuuu Shabaab yahay loona haysto dilka gabar

weriye Abuuja

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay kiiska weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja, oo magaalada Muqdisho ku xiran tan iyo 29-kii Febraayo.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in sababta loo hayo Abuuja ay tahay “inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab” loona haysto inuu ku lug lahaa dil ka dhacay Muqdisho

“Ha’yaddaha amniga ayaa gacanta ku haya Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo ku eedaysan inuu ka tirsanyahay Argagixisada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Eedaysane Abuuja ayaa loo haystaa inuu qayb ka ahaa fal danbiyeed la xiriira dil loo gaystay Marxuumad Baxsaneey Booleey, dilkaas oo ka dhacay Degmada Boondheere taariikhdu markay ahayd 06/03/2019.”

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku daray in Ha’yadaha amniga ay eedaysanaha gal dacwadeed-kiisa u gudbinayaan Ha’yadaha Garsoorka ee ku shaqada leh.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa imanaya ayada oo maalmihii dhowaa ay aad u xoogeysteen baaqyada la xiriira in weriye Abuuja, oo ahaa tifaftiraha idaacadda Hiigsi, xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda warfaafinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here