DF oo xil ku abaal marisay sarkaalkii qabtay GURICEEL

Taliyaha guriceel zakariye cali

Dowladda Soomaaliya ayaa taliye cusub u magacowday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay shalay kala wareegtay ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo in muddo ah ka talinayey degmadaasi.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyaha degmadaasi u magacaabay Zakariye Cali oo ka mid ah saraakiisha dhalinyarada ee dhowaan dowladda geysay deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sarkaalkan ayaa isaga iyo ciidamo uu wato shalay aroortii hore waxa ay ciidamada Ahlu Sunna kala wareegeen degmada Guriceel, kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya ururkaasi iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa saaka degan, kadib shaqaaqado labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay magaalooyinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here