DF Somalia oo Ahlu-Sunna ku tilmaantay caqabad hortaagan dhismaha maamulka Galmudug

Sabriye

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye oo shalay kulan la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb, ayaa ka warbixiyey waxa uu ku saabsanaa iyo qodobada uu ka koobnaa heshiiskii ay bil ka hor wadagaleen hoggaanka Ahlu-Sunna iyo Xukuumadda Federaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay hirgalisay dhamaan qodobadii lagu heshiiyey, markii laga reebo hal qodob oo aan wali la gaarin waqtigii la dhaqan gelin lahaa.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ayuu ku eedeeyey inay caqabad ku yihiin dhismaha maamulka Galmudug, isu keenida Ergada ka qeybgaleysa shirka Dhuusamareeb iyo soo xulidda Xildhibaanada cusub ee Galmudug, oo sida uu sheegay ay ku gor-gortamayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here