DF Somalia oo caddeysay mowqifkeeda rasmiga ah ee dagaalka Abiy iyo Tigrayga

astaanta soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay xukuumadda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed kula safan tahay dagaalka ay kula jirto gobolka Tigray-ga iyo xisbiga hoggaamiye ee TPLF.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaas, ayaa ugu horeyn lagu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay xaaladda kasoo cusboonaatay dalka Ethiopia.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku celineysaa taageerada ay u hayso midnimada Ethiopia, waxayna ku baaqeysaa wada-hadal si saaxiibtinimo leh loogu soo geba-gebeeyo dagaalka gudaha dalka Ethiopia,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay xaqiijineysaa inay ku garab taagan tahay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuuriga ah iyo midnimada dhuleed ee Ethiopia,” ayuu intaas ku daray qoraalka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay, in dal deris ahaan, ay diyaar u tahay inay taageeradeeda ku biiriso soo geba-gebeynta xaaladda iminka ee Ethiopia, islamarkaana ay ku celineyso baaqyada gobolka ee ku aadan in si deg deg ah hab nabadeed loogu xaliyo dagaalka Ethiopia.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay qabtaa in hadda, in ka badan sidii hore, uu gobolkeennu u baahan yahay inuu ku tabaruciisa isugu geeyo wadajirka laga leeyahay ujeeddada guud ee ah nabadda iyo amniga si kor loogu qaado fursadaha dadkeenna,” ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here