DF Somalia oo ciidamo hor leh geysay Dhuusamareeb

diyaarad hub ciidan dhuusamareeb

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka markale ciidamo geysay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kuwaas oo diyaarad looga qaaday magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Ciidamadan oo ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa gaaraya illaa 50 askari, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlada goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan lagu xoojin doono kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi, islamarkaana ay la wareegi doonaan xarumaha ay shalay ka baxeen kuwa maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ciidamo ku daabulisay Galmudug oo uu weli ka taagan yahay khilaaf ka dhashay arrimaha doorashooyinka la filayo in dhowaan ay ka dhacaan maamulkaasi.

Sidoo kale arrintan ayaa ku soo aadeysa, kadib markii shalay ay ciidamada Qaranku la wareegeen Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here