DF Somalia oo deegaan cusub kala wareegtay Ahlu Sunna

Ururkii 3aad Kumaandooska Gorgor

Taliyahaya qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Milatariga dowladda ay la wareegeen ammaanka deegaanka Gadoon oo hoosyimaada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Taliye Qooje ayaa sheegay in dhowaan deegaankaasi la geyn doono ciidamo Boolis ah oo ka howlgala halkaasi, kana shaqeeya nabad galyada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad gaar ah iska saari doonto ammaanka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa shaaciyey inay labo jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug, si looga saaro guud ahaan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Gadoon ayaa noqonaya deegaankii ugu dambeeyey ee lagala wareegay Ahlu Sunna Waljamaaca oo haatan si weyn isku hayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xiisada u dhexeysa dowladda iyo Ahlu Sunna oo ka dhalatay maamul u sameynta Galmudug ayaa sii xoogeysaneysa, mana jiro isku soo dhawaansho labada dhinac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here