DF Somalia oo ka jawaabtay warar laga faafiyey dilkii Cabaas Maxamed Xaaji

astaanta soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar ay warbaahinta Al-Shabaab ku sheegeen in sarkaal lagu dilay duqeyn 10-kii April ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose uu ahaa shacab.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay in sarkaalkaas oo lagu magacaabo Cabaas Maxamed Xaaji, uu ahaa Suldaankii beesha Jareerweyne ee gobalada Jubbooyinka.

Hase yeeshee qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Eedaymahaasi waa been aan waxba ka jirin oo la nooc ah kuwa ay fidiyaan xagjirka Al-Shabaab.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Xubnaha Al-Shabaab ee lala beegsaday duqeynta ayaa ahaa isla kuwii daqiiqado ka hor la arkayey iyaga oo foolxumeynaya meeydadka askar ka tirsan Xoogga Dalka oo ay Al-Shabaab ku dileen halkaa. Waxa dambiga Al-Shabaab galeen kasii dhigaya mid weyn ayaa ah in ay ku qasbeen dadka tuulada Koban in ay daawadaan sida foolxumada leh ee meydka loo galayey. Kolkii ay dhameysteen Al-Shabaab falkaasi foosha xun ee ay ka baxeen tuulada ayaa weerar cirka ah lala beegsaday maadaama ay ka fogaadeen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

“Ilaalinta nolosha dadka rayidka oo ay ku dadaalayaan Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowladda Mareykanka ayaa aad uga duwan Kooxda Al-Shabaab oo lagu baabi’yey goobo dagaal, sida tii looga xoreystay Jannaale bishii Maarso.”

Raadiyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa maalin kadib dilka sheegay in Cabaas Maxamed Xaaji uu horey usoo noqday horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Buurdhuubo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab “kolkii ay soo wajahday guuldarrooyin isdabajoog ah ay ka badin waayeen cadowtinimo ay kula kacaan shacabka iyo borobagaando been ah oo ay ku qarinayaan guuldarrooyinkooda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here