DF Somalia oo nasiib darro ku tilmaamtay dacaayad laga faafiyey ciidanka Haramcad

tababar haramcad

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo shalay booqasho ku tagay dhismaha ka socda wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa si weyn u difaacay ciidamada Haramacad oo dowladda si gaar ah u adeegsato.

Wasiirka ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka gaarka ah ee Haramcad Gaashaanle dhexe Farxaan Maxamuud Aadan, oo uga waramay xaalada amni iyo marxaladaha kala duwan ee dhismaha wadadaas.

Wasiir Dubbe ayaa isaguna ku amaanay ciidamada Haramcad sida ay ugu guuleysteen sugidda Amniga wadadaas, oo marar badan weeraro kala duwan kala kulantay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale waxa uu u mahad celiyay dowladaha Turkiga iyo Qatar oo ku amaanay inay ku dhiiradeen dhisida wadadaas, xili ay hanjabaado kala kulmayaan Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in ciidamada Haramcad loo jeediyo eedeymo la xiriira boobka doorashada lagu muransan yahay, wuxuuna ku sifeeyay ciidamo naftooda u hura shacabkooda.

Dubbe ayaa eedeymaha ciidamadaas loo jeediyo ee ku aadan damaca dowladda federaalka ee doorashada, ku tilmaamay dacaayado raqiis ah, xili ay madaxda ugu sareysa dowladda lagu eedeeyo inay dano gaar u adeegsadaan ciidamadaas, iyada oo xiligan uu taagan yahay muranka doorashada.

Midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa inta badan dowladda ku eedeeya inay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad u adeegsaneyso boobka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here