DF Somalia oo si rasmi a ula wareegtay Galmudug iyo Ciidamada AMISOM oo Dhuusamareeb gaadhay

ciidamada amisom

Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa caawa waxa ay soo gaareen magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Galmudug.

Ciidamada ka socday AMISOM ayaa maanta waxaa duleedka magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaa ku celiyey ciidamo ka amar qaata Ahluu-Sunna, balse dowladda federaalka ayaa u dirtay Saraakiil ka socotay qeybta 21-aad ee xoogga dalka.

Wada hadal dheer ka dib ayaa AMISOM loo ogolaaday inay gudaha u galaan gobolka Galgaduud, waxaana qeyb ka mid ah ay ku hakadeen magaalada Gurceel, halka qeyb kalana ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ciidamada ayaa la dejiyey xarumaha ugu muhiimsan magaalada waxaana ka mid ah xarumahaas, Madaxtooyada INJI ee uu ku shaqeeyo madaxa xukuumadda Galmudug, Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb, Guriga Gobolka iyo Hoolka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiin Galmudug.

Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay amaanka lasogi doonaan ciidamada ay dowladdu geysay magaalada Dhuusamareeb.

Ciidankaan ayaa kasoo amba-baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ciidamadaan ka socda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee gudaha u galay deegaanada Galmudug ayaa isugu jira Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan.

Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta degaanada Galmudug ee ay ka arimi jireen Ururka Ahlu-Sunna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here