DF Somalia oo si rasmi uga hadashay ciidamada Gedo la geeyey iyo ujeedkooda

wasiir maareeye

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay ciidamada dhowaan ay ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo qabsaday degmooyin ka mid ah gobolka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada tegay gooblka Gedo ay yihiin kuwa militari, islamarkaana tegistooda ay qeyb ka tahay difaaca dalka.

“Sida sharciga uu qorayo, difaaca dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe, ciidamada militariga ee hadda dhismaya ayagaa howshaas mas’uul ka ah, sidaas ayayna u tageen Gedo,” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada militariga Soomaaliya ay sidoo kale tagi doonaan gobollo kale, oo dalka ka mid ah, islamarkaana aysan jirin sabab arrintaas sharaxaad looga bixiyo.

Hadalkiisa ayaa imanaya, ayada qoraal shalay kasoo baxay golaha wasiirada Jubaland lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo.

Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubaland.”

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowrkii malamood ee tagay qabsaday degmada Beled-Xaawo iyo Doolow, taasi oo macanaheedu yahay in si buuxda uu gobolka Gedo, oo ka tirsan maamulka Jubaland, iminka yy gacanta ugu jiro dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here