DF Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha qaraxii ka dhacay SAYIDKA

qarax muqdisho

Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in qaraxan uu ku dhintay kaliya is-miidaamiyihii fuliyey, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo kale oo shacab ah, kuwaas oo jidka marayey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu jiro burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj.

“Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa intaasi raaciyey “Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.”.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana weli hakad ku jira dhaq-dhaqaaq isgoyska Sayidka oo ay bar-koontarool ku leeyihiin ciidanka ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here