DF Soomaaliya oo isbitaallada gaarka ku eedeysay dadkii ku dhintay Isbitaal Martiini

Foosiyo Abiikar Nuur

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa faah-fahain ka bixisay sagaal qof oo xalay ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo ah halka lagu hayo dadka qaba cudurka COVID-19, ayada oo eedeyn u jeedisay isbitaallada gaarka loo leeyahay.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hal qof oo kamid ah 9 bukaan ee xalay ku geeriyooday Isbitaal Martiini uu qabay xanuunka COVID-19, halka qof kamid ahna la xaqiijiyay inuusan qabin xanuunka.

7-da qof ee kale, ayey wasaaraddu sheegtay in laga baaray cudurka hase yeeshee ay geeriyoodeen kahor intii aysan soo bixin natiijada baaritaankooda.

Qoraalka wasaaradda ayaa dhinaca kale isbitaallada gaarka loo leeyahay magaalada Muqdisho ku eedeeyey inay sabab u ahaayeen dadkii halkaas ku geeriyooday.

“Bukaannada Isbitaal Martiini xalay ku geeriyooday dhammaan waxay ahaayeen bukaanno waqti dheer lagu hayay isbitaallada gaarka loo leeyahay, oo la keenay Isbitaal Martiini markii xaaladoodu ay adkaatay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur ayaa maamulayaasha Isbitaallada gaarka loo leeyahay fartay in bukaannada lagu arko astaamaha COVID-19 ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan xarumaha caafimaad ee loogu tala galay la tacaalidda dadka uu haleelo Fayruska Karoona, si xaaladdoda caafimaad wax looga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here