DF Soomaaliya oo ka digtay roobab Dufaanno wata oo la saadaalinayo

duufaan

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadashay roobab duufaanno wata oo laga cabsi qabo inay ka da’aan dalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in la saadaalinayo in roobabkaasi da’aan saacadaha soo socda, loona baahan yahay in la muujiyo feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in heegan buuxa la geliyey dhamaan laamaha gurmadka iyo ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah.

Ugu dambeyn waxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya sheegtay in 24kii saac ee la soo dhaafay tuulooyin gaaraya 25 uu saameeyay Fatahaadda Wabiga Shabelle, kuwaas oo dhammaan hoostaga magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Dhowaan ayey aheyd markii meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, islamarkaana ay ugu horreyso Muqdisho ay ka da’een roobab geystay khasaare naf iyo maal intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here