DF Soomaaliya oo shaacisay xilliga ay iibineyso shatiyada shidaal soo saarista dalka

shiidaal

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in bisha December ay ku dhowaaqi doonto qorshaheeda iibkii ugu horreeyey ee shatiyada shidaal sahminta Soomaaliya.

Wasiirka Shidaalka iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa Reuters u sheegay in December la shaacin doona xilliga ay Soomaaliya billaabeyso xaraashka xirmooyinka shidaalka dalka.

“Waxaan soo bandhigeynaa 15 xirmo” ayuu yiri wasiir Cabdirashiid oo ku sugan magaalada Cape Town, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shirka shidaalka iyo saliida Africa.

Waxa uu sheegay in xogtii laga soo ururiyey ciidda ee ay dowladda Soomaaliya amartay ay muujisay astaan dhiiri-gelin leh oo ah in 15 xirmo ay ku jirto saliid dhan 30 bilyan oo barmiil.

Cabdirashiid ayaa sidoo kale ku adkeystay in 15-ka xirmooyin ay aad uga fog yihiin xuduudda badda ee Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, halkaasi oo iminka muran uu ka taagan yahay.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada caalamiga ah ee ilaaliya xeebaha Soomaaliya ay gebi ahaan cirib tireen burcad-badeeddii Soomaaliya, taasi oo sahleysa in badda laga soo saaro saliid.

“Soomaaliya waxaa horey loogu yaqiin burcad badeednimo, argagixiso, degenaansho la’aan, iyo wax kasta oo xun, balse dowladda federaalka ah ayaa iminka sameeneysa wax kasta oo ay awooddo si ay dalka u xasiliso” ayuu yiri.

“Tobankii sano ee tagay ma jirin xitaa hal dhimasho oo ka dhalatay burcad badeednimo, sidaas darteed, xeebaha Soomaaliya waa amni in la maal-gashto.”

Waxa uu sheegay in maal-gelinta shidaalka iyo saliidda Soomaaliya ay abuuri karaan shaqooyin cusub, islamarkaana ay ka hor-tagi karaan in dhallinyarada ay u weecdaan rabshadaha.

“Soomaaliya waxay haysataa qariirad ay raacdo kadib marka ay soo saarto saliidda, sidaas darteed ma jiri doono dhib ka dhasha kheyraadkeena” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya dhibaatooyinka ay dalalka qaar kala kulmaan marka ay soo saartaan kheyraadkooda.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in la filayo in madaxweyne Farmaajo uu dhowaan saxiixo sharciga shidaalka, oo hadda horyaalla aqalka sare ee Soomaaliya, taasi oo dhabbaha u xaari doonto inay dalka kusoo laabtaan shirkadaha shidaalka sidan Shell iyo ExxonMobil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here