DF Soomaaliya oo u riyaaqday qoraalkii taageerada ahaa ee ka soo baxay dalka SHIINAHA

Zhao Lijian china

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku taageerayso hanjabaadii ay dhawaan dowladda federaalka u dirtay dalalka beesha caalamka ee inta badan sida adag uga hadla xaalada dalka, gaar ahaan is-mari-waaga doorashada.

Shiinaha ayaa sheegay inuu dhowrayo madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana uu taageerayo horumarka iyo nabada dalka, sida lagu baahiyay barta twitter-ka ee Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

“China waxay ixtiraameysaa madax-banaanida Soomaaliya, madax-banaanida dhuleed, xoriyadda iyo sharafta siyaasadeed, waxayna si adag u taageerayaa nabadda, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, waxayna ilaalineysaa mabda’a ah ‘Milkiyad Soomaaliyeed iyo Hoggaan Soomaaliyeed’,” ayaa lagu yiri qoraalka Shiinaha.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa waxa si weyn warbaahinteeda ugu baahisay dowladda federaalka, midaasi oo muujinaysa la dhacsanaanta mowqifka Shiinaha ee uu ka qaatay xiisada ka taagan dalka.

“Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii DFS ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye,” ayaa lagu yiri warbaahinta dowladda federaalka oo si weyn u baahineysa qoraalka Shiinaha.

Dowladda federaalka ayaa gebi ahaanba ka aamusi jirtay fariimaha ay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay soo saaran, kuwaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay u badnaa hanjabaado iyo canaan toos ugu socota Villa Somalia iyo madax goboleedyada, oo la xiriirta xal ka gaarista khilaafka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here