DF Soomaaliya oo wax kama jiraan kasoo qaaday doorashooyinkii Jubaland

Sabriye

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax kama jiraan kasoo qaaday doorashooyinkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee labada madaxweyne lagu kala doortay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aysan aqoonsaneyn dhammaan natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Kismaayo ka dhacay.

Wasaaradda ayaa labada madaxweyne ee maanta lagu doortay Kismaayo, oo kala ah Axmed Madoobe iyo Cabsirashiid Xidig, waxay ayada oo aan magacaabin, doorashadooda ugu yeertay “is-caleemo saar.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonto oo kaliya doorasho wadar-oggol ah, lagu qanacsan yahay, xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay goobjoog ka yihiin dowladda federaalka iyo beesha caalamka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax kama jiraan kasoo qaaday doorashooyinkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee labada madaxweyne lagu kala doortay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aysan aqoonsaneyn dhammaan natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Kismaayo ka dhacay.

Wasaaradda ayaa labada madaxweyne ee maanta lagu doortay Kismaayo, oo ka ah Axmed Madoobe iyo Cabsirashiid Xidig, waxay ayada oo aan magacaabin, doorashadooda ugu yeertay “is-caleemo saar.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonto oo kaliya doorasho wadar-oggol ah, lagu qanacsan yahay, xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay goobjoog ka yihiin dowladda federaalka iyo beesha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here