Dhaawacyada qaraxii shalay ee ExControl oo Turkiga loo qaadayo

gurmad turkey q excontrol2

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saacadaha soo socda dalka Turkiga loo qaadayo dadka qaba dhaawacyada culus ee waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii shalay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladdu ay wado dadaalo ku aadan sidii dadka qaba dhaawacyada kuwa ugu culus in loo qaado dalka Turkiga, iyadoo dowladda Turkiga ay u soo dirtay diyaarad caafimaad oo qalabkeeda u dhameystiran yahay.

Wasiirka ayaa sheegay in dhowr iyo toban ruux oo dhaawacyada ugu culus qaba diyaaradda ka timid Turkiga la saarayo, waxaana dadka qaba dhaawacyadaas culus wehelin doono dad eheladooda ah oo diyaarada la raaci doono

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii u horeeyay ee ka soo jawaaba dhibaatadii shalay ka dhacday Muqdisho, kaddib markii dad fara badan ku dhinteen qarax ismiidaamin ah, halka dad aad u fara badan oo kale ku dhaawacmeen, waxaana diyaarad siday daawooyin iyo dhaqaatiir saaka ka soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here