Dhacdo aan horey loo arag: Saddex canug oo mataana ah oo laga helay cudurka Corona

Saddex canug oo mataana ah oo ku dhashay cisbitaal ku yaalla Mexico ayaa laga helay cudurka Corona kaddib markii baaritaan lagu sameeyay, waxay arrintani noqotay mid aan horey loo arag, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

Khubaro caafimaad ayaa baaraya, in cudurka uu u gudbi karo uur ku jirta hooyada inta ay uurka leedahay.

Labo ka mid ah carruurta oo gabar iyo wiil ah, ayaa ayay xaaladdoodu wanaagsan tahay, iyagoo lagu hayo cisbitaal ku yaalla magaalada San Luis Potosí.

Balse wiilka labaad, ayaa la siinayaa daawooyin la siiyo dadka uu xannuunka hayo.

Afhayeen u hadlay guddiga qaabilsan arrimaha caafimaadka ee gobolka, ayaa sheegay, in dunida aanan laga helin arrinta ku saabsan carruur mataano ah oo la qaadsiiyay cudurka isla markaana kiiskan la baarayo.

Tiro carruur oo aad u yar, ayaa la ogaaday in ay qaadeen feyraska, kadib markii ay dhasheen, balse saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in aysan rumeysneyn dhacdadan.

Xoghayaha Caafimaadka gobolka, Mónica Liliana Rangel Martínez, ayaa sheegtay: in aysan ” macquul ahayn in cudurka ay qaadeen markii sidaa ay u dhasheenba.”

Si kastaba, waalidiinta carruurtaasi ayaa hadda baaritaan lagu sameeyay, iyadoo la sheegayo, in laga yaabo in aysan ka muuqan calaamadaha cudurka.

Dalka Mexico, ayaa laga diiwaan geliyay in ka badan 185,000 xaaladood oo ah dadka qaba cudurka Corona iyo 22,584, oo dhimasho ah, tan iyo markii uu dalkaasi shaaciyay kiiskii ugu horreeyay 28-kii bishii Febraayo.

Carruurta ku dhalata cudurka Corona

Dalka Mexico, saddex carruur oo mataano ah oo xilligoodii ka hor dhashay, ayaa 17-kii bishii Juun, maalinkii ay dhasheenba laga helay cudurka.

Carruurta markaa dhashay ee laga helay cudurka Corona ayaa ah wax aan caadi ahayn oo aan la maqlin.

Ilmaha yar, waa ay qaadi karaan fayraska, marka ay dhashaan kadib, haddii ay xiriir dhow la leeyihiin qof kasta oo horey u qabay cudurka.

Hooyada waxay cudurka u gudbin kartaa ilmaha uurkeeda ku jira.

Baarayaal u dhashay dalka Mareykanka, kuwaas oo ka socda Iskuulka Daawada ee Yale, ayaa warbixin dhawaan ay soo saareen ku sheegay, kiiski ugu horreeyay oo la aqoonsaday ee ah, in caabuqa ka dhasha cudurka coronavirus uu ku dhaco Minka.

Markuu caabuqa ku dhaco, halista ka soo gaareysa hooyada iyo dhallaanka ayaa badanaa hooseysa, inkasta oo warbixinnada qaar ay soo jeedinayaan, inay kordhin karto suuragalnimada in ilmuhu dhasho kahor xilligii uu dhalan lahaa.

Ma jiraan caddeyn muujineysa in feyraska uu sababo in ilmuhu dhicisoobo ama uu saameeyo sida uu u korayo inta uu uurka ku jiro, balse, taxaddar ahaan, haweenka uurka leh ayaa lagula talinayaa in ay ka fogaadaan inay aad ugu dhawaadaan dadka, si loo yareeyo fursadaha ay ku qaadi karaan cudurka.

Haddii ay cudurka qaadaan, inta badan hooyooyinka waxay noqon doonaan kuwo aan xaaladdoodu halis ahayn, ama waxay waxaa lagu arkayaa calaamado dhexdhexaad ah, weyna ka bogsanayaa.

Haddii aad ka taxaddareyso canugaaga, waa aad yareyn kartaa halista ah in cudurka uu qaado, adigoo si joogto ah gacmahaaga ugu nadiifinayo biyo iyo saabuun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here