Dhageysiga dacwadda badda oo billaabatay ayadoo Kenya ay ka maqan tahay

muranka badda kenya somalia

Waxaa magaalada Hague ee dalka Holand ka bilaabatay dhageysiga dacwada kiiska Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo ay ka maqan tahay Kenya oo cudur aan buurneyn ka dhiibatay ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda oo ku taariikheysneyd maanta oo ah 15-ka bisha March.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa si rasmi ah u furtay dhageysiga dacwadaas, waxaana khudbad ku aadan dooda Soomaaliya ka jeediyay Sii-hayaha ra’iisal wasaaraha dalka, Mahdi Guuleed oo isagu ah madaxa u sarreeya ee hogaaminaya wafdiga dalkeena.

Mahdi Guuleed ayaa khudbad ku aadan Kiiska ka horjeedinaya Guriga Nabadda ee xarunta cadaaladda aduunka, ayada oo ay ku wehlinayaan qareenada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaysan Kenya ka qaybqaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa dhawaan go’aan ay Kenya uga baxday kiiska u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March.

“Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray.

Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkaas ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here