Dhalinyaro farabadan oo xalay buux dhaafiyey Saldhigyada Booliiska Laascaanood

jeel

Tobanaan dhalinyaro ah oo shalay Ciidamada Somaliland ka qabqabteen Magaaladda Laascaanood gudaheeda ayaa xalay buux dhaafiyey Saldhigyada Laascaanood.

Dhalinyaradan ayaan tiradooda saxda ah la sheegin, Booliiska Somalilandna kama hadlin, balse dadka shacabka ah qaarkood ayaa ku adkaysanaya in tiraddu gaadhayso illaa 80 qof, waana lagu eedaynayaa inay qayb ka ahaayeen Banaanbax balaadhan oo shalay Magaaladda Laascaanood ka dhacay.

Waxaa caado noqotay in marka banaanbaxyadu ay magaaladda ka dhacaan si kala sooc la,aan ah loo qabqabto caruur iyo dad maato ah, kuwaas oo marka ugu dambeysa lagu sii daayo dhaqaalle ganaax lagu sheego, waalidiin badan ayaa wacad ku maray in aanay shillin ka bixin doonin.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in Maamulka Somaliland ay maalmihii u dambeeyey banaysanayeen goobtii ay dadka ku ururin lahaayeen, iyadoo la sheegayo in maxaabiistii Jeelka Laascaanood ku jirtay Burco loo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here