Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay dalalka Canada iyo Mareykanka

police usa baltimore

Dhalinyaro Soomaali ah oo ku nool dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa lagu soo warramaya in la dilay, kuwaas oo aan la garaneynin sababta loo dilay iyo cida dishay.

Xaafad ku taala Waqooyiga Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa saacidhii lasoo dhaafay lagu dhaawacay laba wiil oo Soomali ah.

Dhaawaca wiilashaasi ayaa laga helay baabuur ay ku jireen, waxaana markii dambe dhaawaca u geeriyooday mid ka mid ah wiilashaas.

Weerarka lagu qaadaya wiilashan ayaa la sheegay in loo adeegsaday mindi, welina lama shaacin magacyadooda.

Inkastoo aan la ogeyn cidda ka dambeysay dilkaas, welina lama oga in uu xiriir la leeyahay dilalkii horay uga dhici jiray Mareykanka ee ay dhalinyarada dhexdooda isu geysan jireen, waxaana booliiska ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan falkaas.

“Baabuur ay wateen ayaa laga helay, lamana oga waxa sababay dilka iyo dhaawaca, balse booliska waxay shegeen in wiilashaas la tooriyeeyay, waxayan ay dalbadeen in ciddii wax akhbaar ah ka heysa falkan ay kusoo wargeliyaan”, ayuu yiri Cabdiraxman Mukhtaar oo ah wariye madax banaan oo ku sugan Magaalada Minneapolis.

Waxaa kale oo uu Mukhtaar sheegay in meel aan ka fogeyn halka lagu weerary dhalinyarada uu ka dhacay shil baabuur oo aan la garaneyn in arrimahaas ay isla xiriiraan, laakiin hadda, booliska waxay wadaan baaritaan.

Dhanka kale, Saddex dhalinyaro Soomaali ah ayaa todobaadkaan lagu dilay Magaalooyiinka Edmanton, Ontario iyo Alberto ee dalka Canada.

Dilalkan oo ah kuwa dhalinyarada ay iyagu isu geystaan iyo kuwa loo geysto ayaa waalidiinta dhashay carruurtaas waxay sheegeen “in aysan helin wax caddaalad ah oo la xiriirta dilak carruurtooda”.

“Waxaan ku waayay wiilkeyga curudka ah oo 25 sano jir ah, waxaan ka mid ahay koox is abaabushay, una is-taagay in aan wax ka qabano dhalinyarada ku nool Magaalada Edmanton ee is dilaya, waxyaabaha aan qabanay waxaa ka mid ah in qaarkood aan xabsiga kasii deynay, qaarna aan xabsiga ku booqanay, kuwa kalena waxaan u raadinay meel ay ku noolaadaan. Sida dhibaatadaas lagu istaajin karana waxay tahay in aan isu tagno oo aan dowladdana la kaashano”, ayay tiri Aamina Xusseen.

Yaa dila dhalinyarada? Maxaase loo dilaa? Waa su’aalaha aan wali la helin jawaabtooda, balse Isnina Cali oo ka mid ah hoyooyiinka Soomaalida ee ku nool Canada ayaa BBC-da u sheegtay in dowladda ay ka gaabisay wax ka qabashada arrintan.

“Markaan sheegno oo aan dowladda la wadaagno sida ay wax u dhaceen, wax naga hoos qaado malahan, waxay ila tahay in dhanka Dowladda aanay wax caddaalad ah ka jirin, sababtoo ah dowladda waxay ka koobaan tahay dhowr hay’adood, Soomaalidana kama muuqaato hey’adaas oo ay ka mid tahay maxkamadaha ama caddaaladda, qeybta booliska iyo baaritanaada Soomaalida kama dhex muqato, sidaas awgeed ayaan u maleynaya in ilmaheenna aysan cadaalad u helin”, ayay tiri Isniina Cali.

Balse, Liiban Gabeyre oo ka shaqeeya arrimaha bulshada, kuna nool dalka Canada ayaa sheegay in wax ka qabashada arrintan ay tahay mas’uuliyad wadareed oo cid gaar ah aanan lagu eedeyn karin.

“Ma jirto cid si gooni ah farta loogu fiiqo, waana ayaan darro. Dilalka noocan ah ee Soomaalida badankooda (dadka ka dambeeya) lama soo qabto.”

Inkastoo aan la garaneynin sababta ka dmabeysay dilalkii ugu dmabeeyay ayaa haddana waxaa marar hore dhacday in dhalinyarada qaar ay isdilaan, mararka qaara ay dhibaatooyin kala kulmaan dhalinyaro kale, waxaana falalkan oo muddooyinki dambe aad usoo badanaya kadhahsya in xabsiga loo taxaabo dhalinyaro badan oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay in fal geysteen ama booliska ay baaritaan ku wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here