Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo xabsiga dhigay 17 Amiir oo kale

mohamed bin salmaan

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa xabsiga dhigay 17 amiir oo kale, maalin kadib markii ay soo shaac baxday inuu xiray saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya dalka.

Amiirada cusub ee la xiray ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka ahaayeen afgambi la doonayey in awoodda loogala wareego Maxamed bin Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Scauudiga.

Sabtidii ayaa waxaa soo shaac baxay in Maxamed uu xiray Amiir Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salmaan, Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhaxal-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, iyo walaalkiisa ka yar Amiir Nawaf bin Nayef.

17-ka amiir ee kale ee la xiray ayaa waxaa ugu caansan Amiir Nayef Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah wiilka Axmed bin Cabdulcaziiz oo la dhashay boqor Salmaan. Nayef ayaa ahaa madaxa sirdoonka ciidamada lugta ee dalka.

Dhinaca kale, Maxamed bin Salmaan ayaa soo rogay amar yaab leh oo loogu sheegay dhammaan amiirada dalka Sacuudiga inay barta twitter-ka si shaacsan ugu soo qoraan inay isaga daacad u yihiin, waxaan qaar ka mid ah durba ay u hoggaansameen amarkaas, sida Amiir Cabdullahi bin Sultan Ala Sacuud.

Sida ay werisay Reuters, Xubnaha la xiray ayaa eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah, “inay xiriiro la sameeyeen dalal shisheeye, oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo kuwa kale, ayna weydiisteen in laga caawiyo afgambiga.”

Reuters ayaa dhinaca kale werisay in Boqor Salmaan uu saxiixay waaranka lagu soo xiray amiirada. Waxaa sidoo kale la sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay, xilli ay jiraan warar sheegaya in xusuustiisa aysan wanaagsaneyn.

Dhinaca kale, waxaa aad looga walaacsan yahay xaaladda Amiir Miteb bin Cabdullah, oo mar loo arkay inuu kurisga ka beddeli karo boqor Salmaan. Miteb ayaa ka mid ahaa amiiradii 2017-kii lagu xabisay hotelka Ritz Carlton ee Riyadh, balse waxaa lasii daayey kadib markii uu bixiyey hal bilyan oo dollar.

Mite boo 65 jir ah ayaa waxaa dhalay boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah bin Cabdulaziz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here