Dhegaysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo galabta soo gebagebooday

muranka badda kenya somalia

Maxkamadda Caaalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka ayaa galabta soo gabagabeysay dhagaysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxayna qareenadii iyo guddigii ka socday dowladda Soomaaliya maxkamadda u gudbiyeen codsi ka kooban seddax qodob.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey seddaxda qodob ee ku xusan codsiga gabagabada u ahaa doodii lagu difaacayey badda Soomaaliya ee maalmihii lasoo dhaafay maxkamadda ka socotay, kuwaas oo kala ah.

1 –In Maxkamaddu diido dalabaadka iyo codsiyadda Kenya ay gudbisay sanadkii 2018-kii, kuwaas oo ahaa in xadaynta badda saldhig looga dhigo parralelle of latitude oo ah sida ay Kenya xariiqdinta u jeexatay, lana aqbalo xadaynta Soomaaliya gudbisay.

2 –In Maxkamaddu xadayso dhul badeedka iyo soohdinta badwaynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku jirto qalfoof badeedka 200 NM, loona xadeeyo si waafaqsan xeerarka badda iyo kuwa Caalamiga ah.

3 –In Maxkamaddu go’aamiso caddaysana in dhaqanka Kenya ee dhul-badeedka la isku haysto uu xad-gudub ku yahay waajibaadka Caalamiga ah ee dowlad ahaan saaran iyo in Kenya masuul ka tahay si waafaqsan xeerarka Caalamiga inay ka bixiso magdhow.

Qodobkaan dowladda Soomaaliya waxay maxkamadda uga dalbatay in lagu soo wareejiyo dhammaan macluumaadka ay Kenya ka heyso badda ay muranka ka gelisay Soomaaliya, macluumaadkaas oo laga xusay sahminta ay Kenya ka samaysay goobaha ay Maxkamaddu ka xukunto ee hoos imaanaya dhul-badeedka madaxa-banaan ee Soomaaliya.

“Dacwaddda badda Soomaaliya waxay u dirtay xukun, waxaana la filayaa in xukunka uu ku soo baxo bilooyin. Maadaama dooda iyo difaaca qareenadu ahaa mid aad u sareysa, rajadeenu aad ayay u fiicantahay guulna waan rajayneynaa,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya oo ka mid ah guddiga ay maxakamadda u dirtay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Daawo

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/270526547983729

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here