Dhulgariir khasaaro geystay oo ku dhuftay dalka Albania

dhulgariir albania

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhimatay dhulgariir cabirkiisu ahaa 6.4 oo ku dhuftay dalka Albania,sida ay sheegtay wasaarada gaashaandhiga ee dalkaasi.

Dhulgariirkan ayaa waxa uu dumiyay dhismooyiin islamarkana waxaa burburkii hoostiisa ku xannibmay dadkii halkaasi ku jiray.

Nin ka mid ahaa dadka dhintay ayaa geeriyooday ka dib markii uu ka soo booday daaqad guri uu ku jiray.

Dhulgariirkan ayaa ku dhuftay meel 34km waqooyi galbeed kaga beegan caasimada dalkaasi ee, Tirana.

Saacado ka dib ayaa waxa uu dhulgariir kale ku dhuftay magaalada Mostar ee Bosnia,mana jirto wax khasaaro ah oo la soo sheegay.

Rai’sul wasaaraha Albania Edi Rama ayaa sheegay in imika lagu guda jiro howlaha gurmadka ee dadka lagu samatabixinayo.

“Waxaa jira dad ku waxyeelobay,waxa aan sameynaynaa wax waliba oo kalaankeena ah ,ayuu ku soo qoray bartiisa Tweetar-ka.

Magaalada Durres ayuu dhulgariiku si ba'an ugu dhuftay
Magaalada Durres ayuu dhulgariiku si ba’an ugu dhuftay

Ciidamada militariga kuwa booliiska iyo shaqaalaha gurmadka degdega ayaa waxay burburka hoostiisa ka baadi-goobayaan dad la rumaysan yahay in wali ay halkaasi ku xanniban yihiin.

Khasaaraha ayaa inta badan waxa uu ka dhacay magaala xeebeedka Durres waqooyi galbeed kaga beegan caasimada dalkaasi ee, Tirana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here